Wararka laga helayo degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in saaka aroortii weerar qorsheysan uu ka dhacay duleedka degmadaasi.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Kamiin ay u dhigeen kolanyo ciidan oo ka tirsan Maleeshiyaatka dowlada Ridada kuwaasi oo kasoo baxay degmada Baraawe kuna socdaalayay inta u dhaxeysa Degmada iyo deegaanka Ambareeso.
Kolanyada la weeraray waxaa la socday gudoomiyaha dowlada ugu magacaaban degmada Baraawe waxeyna kolanyadan dooneysay iney gaaraan goob ay geedaha ka gurayeen maleeshiyaatka Murtadiinta iyo kuwa Kufaarta.
Goobta Geedaha ay ka gurayaan maleeshiyaatka dowlada ayaa ah goob la doonayo in saldhiga iyo garoon diyaaradeed laga sameeyo maadaama shisheeyaha iyo maleeshiyaaka dowlada ee ku sugan degmadaasi ay ku adkaatay iney maraan dhulka.
Wararkii ugu waxey sheegayaan iney jirta khasaara kolanyada maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay weerarka,iyadoona Labo maalin ka hor ay aheed markii qarax ka dhacay duleedka Baraawe gaari Xamuul ah looga gubay ciidamada Kufaarta AMISOM.
Calamada.com