Wararka ka imaanaya magaalada Qudus ee dhulka Muslimiinta Reer Falistiin balse xooga uu ku heysta maamulka Yahuuda waxey sheegayaan in saaka aroortii qeybo ka mid ah magaaladaasi uu ka dhacay weerar guuleystay oo lagu dilay askar Yahuud ah.
Weerarka oo uu fuliyay wiil Falistiini Kaligii duul ah oo lagu magacaabo Namar Maxamuud Jamal kaasi oo da,diisa lagu qiyaasay 23-jir kaasi oo ku hubeysnaay qori iyo sidoo kale Toorey waxa uu weerarku ka dhacay dhanka Waqooy Galbeed ee magaalada Qudus.
Weerarka waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamada Yahuuda ,iyadoona faahfaahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerarkaasi.
Warbaahinta gudaha Falistiin iyo kuwa caalamka ayaa baahiyay in weerarkaasi Naf hurnimada ah lagu dilay saddex askari oo Yahuud ah tiro kalane lagu dhaawacay.
Geesiga fuliyay weerarka naf hurnimada ah ayaa goobta ku Shihiiday kadib markii ay toogteen askarta Yahuuda waxeyna goob joogayaal goobta ka agdhawaa xaqiijiyeen in Mujaahidka Kaligii duulka ah ee weerarka fuliyay uu ku dhawaaqayay الله اكبر الله اكبر ، نحن الذينَّ بايعوا محمدا
على الجهاد ما حيينا أبداً .
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirka Halyeyga Fuliyay Weerarka.
Calamada.com