Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in weerar qorsheysan lagu qaaday deegaan ay ku sugnaayeen maleeshiyaatka dowlada Ridada Farmaajo.
Deegaankan la weeraray waxa lagu magacaabaa Ceel-geelow kaasi oo ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey sigaar ah u beegsadeen isbaaro maleeshiyaatka dowlada ay dhigteen deegaankaasi.
Dagaalka markii muddo kooban socday ayeey maleeshiyaatka Farmaajo cagaha fureen oo goobta isaga carareen,iyadoona ciidamada Xarakada Alshabaab si buuxda ula waregeen gacan ku heynta deegaankaasi.
Gabi ahaan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey cagta mariyeen isbaarada oo aheed isbaaro maleeshiyaatka dowlada si aad ah ugu dhibaateyn jireen dadka iyo gaadiidka safarka ah.
Calamada.com