Wararka ka imaanaya waddanka Kenya ayaa sheegaya in weerar xooggan oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dhowr xubnood oo u badan saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada boolsika uu ka dhacay ismaamulka Turkaana, ee dhaca waqooyi galbeed waddankaasi Kenya.
Weerarka oo sida ay sheegtay dowladda Kenya ay fuliyeen dabley hubeysan ayaa si gaar ah kaga dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Kitale iyo Lodwar.
Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska saliibiyiinta Kenya ayaa sheegay in weerarka ay dableyda hubeysan ku beegsadeen gaari rakaab ah oo ay ilaalo xooggan ka hayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.
Ilo wareedyo laga soo xigtay ciidamada ammaanka ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu dilay 6 xubnood oo Kenyaan oo 4 ka mid ah ay ahaayeen saraajiisha ciidamada booliska halka ay dhaawacyo kala duwanna soo gaareen 7 sarkaal oo ka mida ciidamada ammaanka ee dowladda saliibiyadda ah ee Kenya.
Booliska ayaa sheegay in uu faraha ka baxay ammaanka magaalooyinka waddanka Kenya gaar ahaan kuwa dhaca waqooyi galbeed. sida ismaamulka Turkaana oo ay ka dhacaan weerarada ka dhanka ah Kenyaanka.
Mid ka mid ah dadka Kenyaanka ah ee ku dhaqan magaalada Lodwar ee ismaamulka Turkaana ayaa walaac xoog leh ka muujiyay weerarka ay dableyda ku beegsadeen gaariga rakaab iyagoo xusay in amnigii gobolka uu faraha ka baxay.