Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan iney sii kordhayaan khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay weerar culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Helmand ee dalkaasi.
Weerarka oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Imaarada Islaamiga Afghanistan waxaa lala beegsaday xarun kulan gaar ah uga socday saraakiil ciidan iyo kuwa Sirdoon ah oo ka tirsan maamulka daba dhilifka dalka Afghanistan.
Goobta la weeraray ee kulanka uu ka socday ayaa ah dhismo ku yaala magaalada Lashkar-jaah oo ah xarunta gobalka Helmand ee Konfurta dalka Afghanistan’waxa uu weerarka sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Sheekh Qaari Muxamed Yuusuf afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa qoraal uu soo saaray ku xusay in weerarkaasi ay ku dileen 16 isugu jirta saraakiil iyo askar’waxa uu intaasi ku daray in weerarka ay ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan oo ka tirsan maamulka fadhigiisu yahay magaalada Kaabul.
Calamada.com