Ciidamo ka tirsan jabhadda Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Sh/dhexe waxay maanta weerar kammiin ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayay deegaan dhaca duleedka degmada Masaajid Cali Gaduud ee Sh/dhexe, howlgalkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Riddada.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in weerarka jidgalka ah lala beegsaday maleeshiyaadka murtadiinta gaar ahaan kuwa loogu yeero Gorgor, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaasi dhabbo-galka ah lagu dilay hal sargaal oo murtad ah iyo 5 kale oo iyana murtadiin ah.
Sargaalka murtadka ah ee weerarka lagu dilay waxaa lagu magacaabi jiray (Iljiiq) wuxuuna ahaa taliyaha sirdoonka Ururka koowaad ee maleeshiyaadka Riddada Gorgor, dagaalkii maanta ayuu Allaah fadligii ku dhintay shanta kale ee dhaawaca ahna waxaa la sheegay inuu ka mid yahay sargaal lagu magacaabo (Baargaal) oo ahaa taliye ku-xigeenka Ururka Koowaad ee maleeshiyaadka Riddada ee loogu yeero Gorgor waxaa sidoo kale maleeshiyaadka la dhaawacay ka mid ah Maxamed Jaliil oo ahaa taliye koox ka tirsan Ururka koowaad ee maleeshiyaadka Gorgor ee maanta kamiinka loo dhigay.