Ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay weerar culus oo toos ah ka fuliyeen gudaha deegaanka Bariire ee hoostaga degmada Afgooye, waxayna halkaas ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah.
Weerarka oo ahaa miq qorsheysan ayay mujaahidiintu ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa buundada deegaanka Bariire, kuwaasi oo doonayay iney dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah shareecada islaamka ka sameeyaan duleedka Bariire.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan barakaysan lagu dilay laba xubnood oo murtadiin ah oo uu ku jiray sarkaal ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Qadar Awoowe, kaasi oo ahaa taliye ku xigeenkii Zaadka ee Ururka 1-aad ee ciidanka Riddada Gorgor.
Waxaa sidoo kale weerarkan qorsheysan ku dhaawacmay ugu yaraan 6 xubnood oo murtadiin ah oo uu ku jira taliyihii Ururka 1-aad ee maleeshiyada Riddada Gorgor murtadka lagu magacaabo Cabdi-salaam Jaamac, kaasi oo dhaawaciisu yahay mid garaab ah.