Wararka laga helayo degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in weerar Kamiin ah loo dhigay maleeshiyaat ka tirsan kuwa Liyuu Booliska oo ku socdaalayay duleedka degmadaasi.
Weerarka Dhabba galka ah waxey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab u dhigeen maleeshiyaatka Murtadiinta Liyuu Booliska oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Maroodille oo ah deegaan dhaca wadada isku xirta magaalada Beledweyne iyo deegaanka Far-libaax.
Wararkii uu dambeeyay ee kamiinkaasi waxey sheegayaan in halkaasi lagu dilay Labo ka tirsan maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Liyuu Boolis kuwaasi oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare.
Sarkaalka maleeshiyaatka Koobiga Amxaarada looga dilay kamiinka ayaa lagu magacaabi jiray Aadam Qorjofow waxa uu ahaa sarkaalkii heystay maleeshiyaatka Liyuu Booliska deegaanada Far-libaax iyo Maroodille.
Sidoo kale weerarkan waxaa lagu dhaawacay tiro ka tirsan maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Liyuu Booliska kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.
Calamada.com