Wararka ka imaanaya magaalada Kaabul ee xarunta dalka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar xoog ku gal ah lagu qaaday xarun ciidan oo ku taala magaalada Kaabul.
Weerarka oo isugu jira Istish-haadi iyo Ingimaasi waxaa lagu qaaday saldhiga Lixaad oo ku yaala xaafada Lixaad ee magaalada Kaabul’waxa uu weerarkan ku bilowday camaliyad Istish-haadi ah oo uu fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Qaraxa kadib waxaa xarunta ciidan xoog ku galay Todobo Mujaahid oo Ingimaasiyiin ah kuwaasi oo dagaal culus la galay ciidamada maamulka daba dhilifka Afghanistan ee ku sugnaay gudaha iyo banaanka xaruntaasi.
Webka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahiyay in Ingimaasiyiintu la wareegeen inta badan xarunta ciidan sida qeybta baaritaanka iyo Dabaqa labaad ee dhismaha xarunta oo ah xarunta Lixaad ciidamada Booliska maamulka daba dhilifka fadhigiisu yahay Kaabul.
Afhayeenka Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayaa qoraal uu soo saaray ku cadeeyay in weerarka ay fuliyeen Rag ka tirsan Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga’afhayeenka ayaa intaasi ku daray in weerarkan dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen inka badan 173 isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka Ridada Afghanistan.
Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid waxa uu sidoo kale xusay in weerarkan xoog ku galka ah qeyb ka yahay howlgalka Al-cumariyah oo dhowr bilood ka hor ay ku dhawaaqday Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Calamada.com