Rag hubeysan waxey weerar xoog ku gal ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maamulka daba dhilifka Kaabul uu ka sameystay qeybo ka mid ah Konfurta dalka Afghanistan.
Weerarkan Inqimaasiga ah waxaa si gaar ah loogu qaaday saldhig ciidan oo maamulka gaala raaca Ashraf Gani uu ka sameystay qeybo ka mid ah degmada Jarashka ee Wilaayada Helmand ee Konfurta dalkaasi.
Qoraal kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayey Imaaradu ku sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan waxeyna Imaaradu xustay in weerarkaasi ay fuliyeen Labo Mujaahid oo ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Bayaanka Imaarada ayaa lagu xusay in weerarkaas lagu dilay Sideed askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul kuwaasi oo uu ku jira taliyihii ugu sareeyay ee saldhigaasi.
Sidoo kale Bayaanka ayaa lagu cadeeyay in mid ka mid ah Labada Mujaahid ee weerarka fuliyay uu ku shihiiday isla goobta balse halka midka Labaad isagoo bad qaba oo nool uu kasoo laabtay saldhiga ay weeraraeen waxa uu Mujaahidkaas horay usoo qaaday Shahiidka walaalkii ku wehlinayay weerarkaasi.
Calamada.com