Wararka ka imaanaya gobalka Bakool ee dhanka Konfur Galbeed dalka Somaliya waxey sheegayaan in saaka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar qorsheysan kula jarmaadeen deegaanka Teed oo ah deegaan ay saldhigyo iyo difaacyo ay ka sameysteen maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.
Ilo wareedyo laga helayo deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta dhowr jiha ka weerareen saldhigyada iyo difaacyada maleeshiyaatka Murtadiinta waxaana dagaalka la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka ka socda deegaanka waxaa si aad ah looga maqlayaa deegaano badan oo dhaca duleedka deegaanka Teed.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha.
Calamada.com