Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ka howlgala wilaayada Banaadir waxay weerar qorsheysan ku qaadeen xarunta maaliyadda murtadiinta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah xarun lagu baado shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in weerarka oo ahaa mid culus Allaah fadligii lagu dilay 3 ka mid ah shaqaalaha xarunta maaliyadda ee weerarka la kulantay, burbur xooggan ayaa sidoo kale soo gaaray xarunta ay mujaahidiintu weerarka ku qaadeen sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo masuul ah.
Dhanka kale ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Bakool ayaa dagaal xoogan ku qaaday xerada ciidanka xabashida Itoobiya ay ka deganyihiin degmada Xudur ee Bakool, lama helin xog faahfaahsan oo ku aadan weerarkan, balse waxa uu ka mid yahay howlgallada mujaahidiinta ee ka socda wilaayadaas.