Ugu yaraan 2 qof oo Yahuud ah ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo mid ka mid ah uu dhaawaciisu culus yahay, kadib markii lagu beegsaday weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay meel ku dhow albaabka Al-khaliil ee magaalada barakaysan ee Quddus.
Warbaahinta maamulka Yahuudda ayaa xaqiijisay howlgalkan mindida ah, waxa ayna sheegtay in maleeshiyaadka maamulka gumeystaha ay gacanta ku dhigeen qofka fuliyay howlgalkan fariidka ah, kaasi oo da’diisa lagu sheegay 17-sano jir ka mid ah dadka ku dhaqan bariga magaalada Qudus.
Qanaadka 12-aad ee Yahuudda ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhaawacmay uu yahay dalxiise Maraykan ah, oo ku sugnaa magaalada barakaysan ee Qudus, waxayna intaasi ku dartay in dhaawaca ninkan loo qaaday mid ka mid ah cisbitaalladooda.
Wariyeyaasha ku sugan magaalada barakaysan ee Qudus ayaa sheegaya in howlgallada kaligood duulka ah ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay dhulka ixtitalaalka ku jira ay walaac xooggan ku abuureen laamaha amaanka ee maamulka Yahuudda, kuwaas oo si gaar ah uga cabanaya howlgallada Tooraynta ah ee ay fulinayaan kaligood duuleyaasha.