Warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weeraro dhagta dhiigga loogu daray askar ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Ridada Farmaajo, kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan wilaayada Galgaduud.
Weerarada oo ahaa kuwa dhowr jeer la isku soo noqnoqday waxay siyaabo kala duwan uga dhaceen deegaanno dhaca duleedka magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta maamulka Ridada isku magacaabay Galmudug.
Dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad ka tirsan maamulka Ridada isku magacaabay Galmudug ku qabsaday deegaan duleedka koonfureed kaga beegan magaalada Dhuus-Mareeb ayaa lagu waramay in uu gaystay khasaaraha laxaad leh oo murtadiinta soo gaaray.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi lagu dilay 8 askari oo uu ku jiray sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cali waxaana sidoo kale weerarkaasi ku dhawaacmay 7 kale.
Sidoo kale weeraro qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo isla duleedka Dhuusa-Mareeb ku dhexmaray Mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta ayaa iyana lagu dilay ugu yaraan 3 askari iyo dhaawac 8 kale, waxaana sidoo kale weerarkaasi lagu gubay gaari nooca cabdi bile ah.
Calamada.com