Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weeraro isugu jira Dagaal toos ah iyo Qaraxyo ka kala fuliya deegaano kala hoostaga degmooyinka Qandahaar, Shaawilikot iyo Banjiwaay oo ka wada tirsan Wilaayada Qandahaar ee Konfurta Dalka Afghanistan.
Dhanka Degmooyinka Qandahaar iyo Shaawilikoot waxey Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan Labo qarax kula beegsadeen Maleeshiyaatka Ridada Kaabul, Iyadoona faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.
Inta la xaqiijiyay Qaraxyadan waxey Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ku gubeen Gaari Gaashaaman iyo Moota, Waxaa qaraxan dhimasho iyo dhaawac ku noqday inka Badan Toban ka tirsan Maleeshiyaatka Kaabul.
Dhanka Degmada Banjiwaay waxey Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan dagaal culus ku qaadeen Saldhig maleeshiyaatka Ashraf Gani ay ka sameysteen duleedka degmadaasi, Iyadoona Maleeshiyaatka Xukuumadda Kaabul khasaara Naf iyo Maal ah lagu gaarsiiyay Dagaalkaasi.
Howlgaladan kala duwan ee ka dhacay Wilaayada Qandahaar waxey kusoo aadayaan xilli Saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan Weeraro ay ka fuliyeen Qeybo ka mid ah Wilaayada Meydan Work ee Bartamaha Dalka Afghanistan ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 19 askari oo Ridada Kaabul ah, Waxaana lagu gubay Sideed Gaari oo uu lahaa Maamulka Mareykanka uu ka dhistay Magaalada Kaabul ee Dalka Afghanistan.
Calamada.com