Ciidamo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo gara ah oo ay ka fuliyeen Muqdisho ku khaarajiyay askar iyo saraakiil ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Ridada Somalia.
Howlgal gaar ah oo Mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Dherkeynley ee caasimada Muqdisho waxay ku dileen labo xidigle ka tirsanaa maleeshiyaadka dowladda Ridada.
Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Aadam Xassan kaasi oo ahaa madaxii hore ee gaadiidka maleeshiyaadka Ridada Baangaraafta ee uu Maraykanku soo tabobaray.
Dhanka kale howlgal gaar ah oo Katiibada Muxamed Ibnu Maslamah ay ka fuliyeen deegaanka Weydoow ee duleedka magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Ridada Farmaajo.
Weerarkan waxa lagu khaarajiyay askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka loo yaqaan (Alpha Group) waxaana uu ahaa askari dhibaato ku hayn jiray shacabka ku dhaqan deegaankaasi.
Howlgalladan gaarka ah waxay kusoo beegmayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay deegaanka Mubaarak ee gobolka shabeellaha hoose ay ka dhaceen qaraxyo khasaare dhaliyay oo lagu beegsaday ciidamo huwan isugu jiray Ameerikaan iyo maleeshiyaadka Baangaraafta ee uu Maraykanku soo tabobaray.
Calamada.com