Weeraradan oo isugu jira qaraxyo iyo Kamiin waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta oo ku kala sugnaay deegaano kala dhaca duleedka magaalooyinka Kismaayo iyo Marka ee Gobalada Jubbada hoose iyo Shabeelada hoose.
Weerarka kowaad oo qarax ah ayaa ka dhacay goob ay Maandooriyaha Qaadka ku cunayeen maleeshiyaatka Dowlada Ridada goobtaas oo ka tirsan deegaanka Shalambood ee gobalka Shabeelada Hoose.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay Afar ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta kuwaasi oo warar hoose ay sheegayaan in dhaawacyadooda culusyihiin,waxeyna howlgaladan kusoo aadayaan xilli ciidamada Mujaahidiinta ay sii kordhiyeen weerarada ay ku dhiigbixinayaan Kufaarta iyo Murtadiinta isu soo baheystay la dagaalanka diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta.
Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar dhabba gal ah iyo Qarax ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Jubbo Land oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Labadan weerar ayaa lagu dilay ugu yaraan Afar askari waxaana lagu dhaawacay labo kale kuwaasi oo gabi ahaan tooda ah maleeshiyaatka maamulka isku magacaabay Jubbo Land.