Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay howlgal ay ka fuliyeen Muqdisho ku beegsadeen askari murtad ah, howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay degmada Heliwaa waxay ciidamada mujaahidiintu ku dileen Cabdi Xaashi Cuuryaan kaasi oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, waxayna mujaahidiintu ka qaniimeysteen Baastoolad uu ku hubeysnaa.
Dhanka Xadbeenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus oo qarax ah la beegsadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kuffaarta Kenya, kuwaasi oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaanka Kaambooni iyo xerada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Buurta Koomoole.
Waxaa halkaasi lagu dilay 3 askari oo saliibiyiin Kenyaan ah, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 kale, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerarkaasi qaraxa ah ku gubeen gaari Kooyal ah oo uu ku rakibnaa qori nooca Dhashiika ah.
Dhanka Bakool iyo Baayna waxay mujaahidiintu weeraro abaabulan ku mireen xerada ciidanka xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor iyo saldhiga maleeshiyaadka Riddada ee degmada Waajid, waxaana labadaasi degmo ka dhacay dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka duleedka magaalada Masagawaay ee wilaayada Galgaduud weerar dhabbagal ah oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen waxaaAllaah fadligiis lagu dhaawacay gudooomiyaha murtadiinta ugu magacaaban deegaankaas, murtad Ismaaciil Shiine, khasaare kala duwan ayaa gaaray maleeshiyaadkii la socday masuulkaas.