Dagaalyahannada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen weeraro kala duwan oo lagu beegsaday saldhigyada kuffaarta iyo maleeshiyaadka murtadiinta ay ka samaysteen gobollada Jubbooyinka iyo Hiiraan.
Weerarka koowaad oo ahaa mid culus waxa uu ka dhacay saldhigga ciidamada kuffaarta Kenya ee deegaanka Jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada hoose.
Rassaasta xaqqa iyo baadilka ayaa in mudda ahba ka socotay saldhigga ciidanka kuffaarta Kenya ee Kudhaa waxaana dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan oo cadowga gaaray,.
Dhanka Hiiraanna waxay ciidamada Mujaahidiintu weerar xooggan ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Buula-barde ee gobolka Hiiraan.
Ilo wareedyo masuula ayaa sheegaya in dagaalkii Buula-barde si xun loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta ayna jiraan khasaare kala duwan oo murtadiinta soo gaartay.
Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay maalmihii lasoo dhaafay sare u qaadeen weeraradooda ka dhanka ah maleeshiyaadka murtadiinta iyo ciidamada kuffaarta Afrikaanta.
Calamada.com