Ciidamada Mujaahidiinta ayaa markale weeraro saf ballaaran ah ku qaaday saldhigyo ciidamada kuffaarta Kenya iyo maleeshiyaadka kooxda Ridada Soomaaliya ay ka daganyihiin deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Mujaahidiinta ayaa weerar culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada kuffaarta kenya ka samaysteen deegaannada Taabto iyo Qooqaani ee Jubbooyinka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Mujaahidiinta iyo ciidamada Kenya.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in weeraradii ka dhacay Taabto iyo Qooqaani khasaare lixaad leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay ciidanka Kenya ee saldhigyadaasi ku sugnaa.
Dhanka degmada Afmadow waxay Mujaahidiintu weerar ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Murtadiinta ay ka sameysteen deegaankaasi, waxaana weerarka ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaartay maleeshiyaatka Ridada Jubbo-land.
Weeraradan ayaa kusoo beegamaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka Kismaayo halkaas oo khasaare kala duwna lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii Murtadiinta ee saldhiggaas ku sugnaa.
Calamada.com