Labo weerar oo loo adeegsaday Bambaanooyinka noocyada gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray xarumo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Yaaqshiid.
Weerarka Kowaad waxaa lala beegsaday xarunta dhismaha maamulka degmada Yaaqshiid,iyadoona la xaqiijiyay in Bamku gudaha u galay dhismaha xarunta.
Weerarka Labaad oo isagana ah Bam gacmeed ayaa lagu qaaday xarunta Laanta Towfiiq ee degmada Yaaqshiid taasi oo iyaduna sidoo kale gudaha u gashay dhismaha Laanta.
Warar la helayo waxey xaqiijinayaan in weeraradan Bam ay sababeen khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay Murtadiinta.
Weeraradan Bam ayaa kusoo aadaya xilli qarax Miino oo ka dhacay agagaarka dhismaaha S-company ee degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho burbur xoogan lagu gaarsiiyay gaari Taw ah sidoo kale qaraxa waxa uu khasaara nafeet gaarsiiyay askartii shisheeyaha ee gaariga la socotay.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.