Wararka laga helayo dalka Yemen ayaa sheegaya in saacidihii lasoo dhaafay weerar qarax ah lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka Xuuthiyiinta.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog lag hago waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Dey Naacim oo ka tirsan gobalka Al-beydhaa ee bartamaha dalka Yemen.
Miinada ayaa haleeshay gaari Cabdi bile ah kaasi oo la xaqiijiyay in gabi ahaan uu burburay’waxaa sidoo kale qaraxan lagu dilay Shan askari oo Xuuthiyiin ah.
Dhanka dalka Maali waxaa weerar0 culus lagu qaaday saldhig weyn oo maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Maali iyo ciidamada qaar ka mid ah dowlada isbaheysiga ee ku duulay dalkaasi ay ka sameysteen deegaanka Ajlahuk.
Weerarada oo kala dhacay labo waqti oo is xig xiga waxa uu mid ka Kowaad ahaa  duqeyn loo adeegsaday hubka culus sida qoriga Fooriyaha ama Bii’emka iyo madaafiicda culculus.
Weerarka labaad ayaa ahaa dagaal toos ah oo ciidamada Mujaahidiinta ay ku qaadeen saldhiga deegaankaasi’iyadoona warbaahinta dalka Maali ay baahisay iney jiraan khasaara maleeshiyaatka daba dhilifka Maali iyo kuwa isbaheysiga kasoo gaartay weeraradaasi.
Howlgaladan ka kala dhacay dalalka Maali iyo Yemen waxaa mas’uuliyadooda kala sheegtay Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab iyo dhulka Magribul Islaam.
Calamada.com