Weeraro qaraxyo ah ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Hurwaa ee gobalkan Banaadir kuwaasi oo lala beegsaday maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Weerarka hore oo loo adeegsaday Bambka noocyada gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray saldhiga degmada Kaaraan waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.
Bamka ayaa ku qarxay gudaha saldhiga degmada Kaaraan waxeyna wararka laga helayo saldhiga sheegayaan inuu qaraxa sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay maleeshiyaatka dowlada ridada
Weerarka Labaad waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hurwaa sidoo kale weerarkaasi waxaa loo adeegsaday Bamka nooca gacanta lga tuura.
Bamka ayaa lagu weeraray Guri ay agagaarka isgoyska Ex-controol Balcad ka daganyihiin saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan kuwa Ashahaado la dirirka maamulka Farmaajo,waxa uu qaraxan Bam geystay khasaara kala duwan oo so gaartay maleeshiyaatka lala beegsaday.
Weeraradan ayaa kusoo aadaya xilli habeenadii iyo maalmihii u dambeeyay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan gudaha Muqdisho ee ay la beegsanaayan dowlada Farmaajo iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.