Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weeraro culus ku qaadeen fariisimo maleeshiyaatka dowlada Ridada Federaalka ay ka sameysteen qeybo ka mid ah degmooyinka Hilwaa iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka kowaad waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen fariisin maleeshiyaatka dowlada ee Warshadii hore Baastada degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka Labaad waxa uu ka dhacay Warshadii hore Barfuunka degmada Hurwaa oo sidoo kale fariisin u ah maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka dowlada Murtad Farmaajo.
Wararkii ugu dambeeyay ee labadan dagaal ayaa xaqiijinaya iney jiraan khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay dagaaladaasi.
Dagaaladan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada iyo mid ka mid ah Ergadii soo xushay xildhibaanada dowlada Ridada lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha kuwaasi oo sidoo kale laga kala qaatay Qori iyo gaari nooca raaxada ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.