Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in markale weerar hubaysan lagu qaaday saldhig ay ciidmada maamulka isku magacaabay ‘Puntland’ ku leeyihiin duleedka magaalada Boosaaso.
Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab weerar xooggan ku beegsadeen saldhig ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ku leeyihiin inta udhaxaysa deegaanka Balli Khadar iyo magaalada Boosaaso.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka oo ahaa mid daqiiqdado socday laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan balse lama oga khasaaraha ka dhashay.
Dhinaca kale saldhig ay ciidamada dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaanka Lafoole ayaa xalay lakulmay weerar, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen.