Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey weeraro culus ku qaadeen saldhigyo kala duwan oo ku kala yaala Wilaayaatka Jubbooyinka iyo Shabeelada dhexe.
Dhanka Wilaayada Jubbooyinka waxey ciidamada Mujaahidiinta dagaal toos ah ku qaadeen xero ciidanka Ridada lagu tababaro oo ku taala duleedka deegaanka Dhoobley ee gobalka Jubbada hoose.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta xerada waxeyna dileen inta badan maleeshiyaatkii Murtadiinta ee ku sugnaa gudaha xeradaas.
Dhanka Wilaayada Shabeelada dhexe waxey ciidamada Mujaahidiinta weerar ku qaadeen salhig maleeshiyaatka kooxda Ridada ay ka sameysteen duleedka degmada Balcad ee Wilaayadaas.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgalkan ku dilay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ridada waxeyna soo ganiimeysteen Labo qori, Iyagoona gabi ahaan burburiyay saldhigaas.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta isu soo baheystay la dagaalanka diinta Islaamka iyo Muslimiinta.
Calamada.com