Ciidamada jamahaadka xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayaadka Sh/hoose Gedo iyo Bay iyo Bakool waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro saf ah ku qaadeen saldhigyada iyo xeryadaha ciidamada kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka Soomaalida ee murtadiinta ah ay ku leeyihiin Koonfurta dalka Soomaaliya.
Howlgalka koowaad oo ahaa dagaal toos ah waxay ciidamada Mujahidiintu ku qaadeen saldhigyada ciidamada kuffaarta iyo kuwa maleeshiyaadka dowladda federaalka ay ka samaysteen degmooyinka Jannaale iyo Owdheegle oo ka wada tirsan wilaayada Sh/hoose.
Ilo masuul ah waxay soo wariyeen in dagaalladan oo ahaa kuwa si waanagsan loo agaasimay si ba’an loogu naafeeyay ciidamada Uganda iyo maleeshiyaadka Soomaalida ee ku daaban soo duuleyaasha balse lama soo warin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ciidamada cadowga soo gaaray.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Gedo waxay dhankooda dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ka samaysteen degmada Baardheere ee wilaayada Gedo, waxaana jira khasaare ciidamada dowladda lagu gaarsiiyay dagaalka.
Dhanka wilaayada Bay iyo Bakool waxay ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin dagaal culus oo dhowr jiha ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ka samaysteen degmada Qansaxdheere ee wilaayaadaas.
Dagaalka oo ahaa mid lagu gadiyay ciidamada dowladda waxay ilo wareedyadu soo wariyeen in uu jiro khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo soo gaaray maleeshiyaadka Soomaalida ee lagu weeraray Qansaxdheere.
Howlgalladan waxay kusoo beegmayaan xilli howlgallo kuwan la mid ah oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada shabaabul Mujaahidiin siyaabo kala duwan uga fuliyeen wilaayaadka Banaadir, Gedo, Sh/hoose, Jubbooyinka iyo Bay iyo Bakool khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay cadowga jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka kusoo qaaday wilaayaadka islaamiga ah.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com