Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ay xoogaga Al Shabaab ka fuliyeen deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Hoose.
Gudaha degmada Afgooye qarax ka dhacay ayaa lagu beegsaday sarkaal katirsan ciidamada dowladda Federaalka balse si dirqi ah ayuu uga badbaaday qaraxa waxaana ku dhaawacmay mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa.
Duleedka magaalada Marka weerar hubeysan oo Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ku qaadeen Maleeshiyaad katirsan Dowladda Ridada ayaa sababay dhimashada 2 askari, dhinaca kale weerar qorshaysan oo xalay ay ciidamada Al Shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Buula Mareer ee Sh/Hoose waxay ku dileen 2 askari.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in weerarka kadib ay Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab Mid kamida askartii Murtadiinta ee lagu dilay dagaalka ay ka furteen qori AK47 ah.
Sidoo kale wararka laga helayo deegaanka Laanta Buur ee duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamo lagu tababaray saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho ay dib ugurasho ka sameeyeen Sh/Hoose.