Qaraxyo xiriir ah iyo dagaal toos ah ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalka Afghanistan.
Weerarada oo ahaa Laba qarax iyo Ddagaal toos ah ayaa ka kala dhacay Gobolada Helmand, Nemruz iyo Gazni oo kala dhaca Koofur iyo Bartamaha dalka Afghanistan, waxaana lagu dilay ilaa Todobo Askari oo American ah, sidoo kalena waxaa lagu dhaawacay ku dhawaad Toban kale oo isla Saliibiyiinta Mareykanka ah.
War kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu xaqiijiyay in Qarax miino oo ka dhacay Mandiqada Shahbaaz ee hoos tagta degmada Gazni lagu gubay, 1 gaari oo ah kuwa gashaman ah, isla goobtana qaraxa waxaa ku dhintay Saddex Askari American ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Lix Askari uu ku jiro nin la sheegay inuu u shaqeynayay Shirkad Murtaziqo ah oo ka garab shaqeysa ciidanka Saliibiyiinta Mareykanka.
Wazaarada difaaca mareykanka ayaa xaqiijisay dhimashada Saddex Askari iyo dhaawaca Afar askari oo wada American ah.
Weerarkan lagu dilay Askarta American ah ayaa imaanaya saacado kadib markii weerar kale oo qarax ah lagu dilay Saddex askari oo Saliibiyiinta Mareykanka ah.
Howlgalka labaad oo qarax ahaa ayaa ka dhacay degmada Sanjiin oo ka tirsan gobolka Helmand, gaar ahaan Mandiqada Jarmasiir, halkaasna waxa lagu burburiyey gaari gaashaaman oo saliibiyinta ay wateen, waxaana lagu dilay Saddex askari, kuwa kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kuwaasi oo wada ah Kufaarta Mareykanka.
War kooban oo kasoo baxay dhanka Imaarada Islaamiga ayaa lagu sheegay in Saliibiyintu ay goobta qaraxa kaga tageen burburka gaariga gaashamanaa, Bastoolad iyo qalab ciidan.
Weerarka Saddex-aad ee lagu bartilmaameedsaday askarta Mareykanka ayaa ka dhacay gobolka Nemruz, waxaana lagu dilay Askari American ah, sida lagu sheegay war kazoo baxay pentagon-ka Mareykanka.