Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Gedo, waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo toos ah ku qaadeen xerada baraxow ee maleeshiyada murtadiintu kaga suganyihiin degmada Baardheere ee wilaayada Gedo.
Isla Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen garoonka magaalada Baardheere, halkaas oo ay heystaan ciidamada saliibiyiinta xabashida itoobiya, qori RBG ah ayay la heleen ciidamada mujaahidiintu dhismo ay xerada ka waardiyeysan jireen waana burburay.
Dhanka kale, waxay ciidanka mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen maleeshiyo murtadiin ah oo ku sugnaa buundada Liiqliiqato ee kutaal magaalada Beladweyne, waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa kammiin culus oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin u dhigeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay duleedka deegaanka War-gaduudo ee hoostaga degmada Ceelqaalow.
Dhimashadu waxay gaartay 8 askari oo Kuffaarta Kenya ah, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 kale oo isla kuffaarta ka tirsan, gubashadu waa gaari Kooyal ah oo uu ku rakibanaa qori nooca dhashiikada ah.