Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga ee Sh/hoose, waxay weeraro culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada kuffaarta Uganda iyo kuwa murtadiinta ay ka deganyihiin qaybo ka mid ah Sh/hoose.
Weerarka 1-aad oo ahaa mid toos ah waxay ciidamada mujaahidiintu ku mireen sadlhiga ciidanka saliibiyiinta Yugaandha ee deegaanka Laanta-buure ee wilaayada Sh/hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal xooggan oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Jaziira oo ah deegaan dhaca waddada xeebta ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.