Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro dhabbagal ah udhigay Kolanyo ka kooban Kufaarta Itoobiya iyo Kuwa Saliibiyiinta Kenya oo dhaq dhaqaaqyo ka waday deegaanno dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday Kolanyo ka tirsan ciidamada Gaalada Kenya oo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaannada Taabto iyo Qooqaani.
Ciidamada Kenya oo ka amba baxay degmada Afmadoow ayuu qaraxu ku haleelay meel ku dhow Taabto, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu haleelay gaari xamuul ah oo sahay u waday ciidanka Kenya,waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac noqday askartii Kenyaatiga ee la socotay gaarigaasi.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Somalia ayaa sheegaya in weeraro dhabbagal iyo qaraxyo ah lala eegtay kolanyada Xabashida Itoobiya ee mudada ka badan Labada Isbuuc ku socdaaleysa wadada xiriirisa degmooyinka Buulo burte iyo Beledweyne,waxaana weeraradaasi Xabashida lagu gaarsiiyay Khasaara naf iyo maal ah.