Weeraro kala duwan oo lala beegsaday maleeshiyaatka dowlada Ridada waxey ka dhaceen qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.
Weerarka Kowaad oo loo adeegsaday Qarax Miino waxa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-control Balcad ee degmada Hurwaa,qaraxa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Farmaajo.
Miinada ayaa haleeshay gaari Cabdi Bile ah oo maleeshiyaatku ay lasocdeen dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafado badan oo ka tirsan magaaladan Muqdisho,waxeyna Goob-joogayaal xaqiijiyeen in qaraxa waxyeelo xoogan uu gaarsiiyay gaariga Cabdi Bilaha.
Sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Murtadiinta ee la socotay gaariga ay miinada ku haleeshay agagaarka Isgoyska Ex-controol Balcad ee degmada Hurwaa.
Weerarka Labaad waxa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-controol Afgooye ee degmada Hodan waxeyna rag hubeysan weerarkaan si xun ugu dhaawacnee askari ka tirsan dowlada Ridada kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Yuusuf,dhaawaciisana waa mid Garaab ah oo aad u culus.
Labadan Weerar waxaa Mas’uuliyadooda sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo mudooyinkii dambe sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta ee ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.