Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in Labo weerar oo Naf hurnimo ah ay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobalka Helmand oo ah gobal dhaca dhanka Konfureed ee dalka Afghanistan.
Weerarka Kowaad waxa uu ka dhacay magaalada Lashkar-jaah oo ah xarunta gobalka Helmand waxaa Camaliyaddaasi Istish-haadiyada ah lala beegsaday xarunta Sirdoonka maamulka daba dhilifka Kaabul ku lahaa magaaladaasi.
Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan oo ka xeynayay gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa bartamaha ka galay xarunta oo xilligaasi ay ku sugnaayeen saraakiil fara badan oo sirdoonka ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee Camaliyaddaasi Naf hurnimada ah ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay tiro aaad u fara badan oo isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka daba dhilifka Kaabul.
Mujaahidka Istish-haadiga ah ee Camaliyaddan fuliyay ayaa lagu magacaabaa Khaan Kal Nasiibullaah waxa uu deegaan ahaan kasoo jeedaa isla wilaayada Camaliyaddan Istish-haadiyada ah uu ka fuliyay ee Helmand.
Weerarka Labaad oo isagana Istish-haadiyo ah waxa uu ka dhacay magaalada Naad Cali oo iyaduna ka tirsan gobalka Helmand,waxaa Camaliyaddaan fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-jaadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Mujaahidkan Istish-haadiga ah ee Camaliyaddan fuliyay ayaa lagu magacaabaa Xaafid Fadlu Al-mutakabir Nuur Al-haadi kaasi oo gaari miineysan kala galay bartamaha xeradaasi ciidan.
Xilliga Camaliyadda waxaa xerada ku sugnaay 150 isugu jirta saraakiil iyo askar,gabi ahaan weey burburtay xerada saraakiishii iyo askartii ku sugneed intooda badan dhimasho iyo dhaawac ayey ku noqdeen,sidoo kale gaadiid dagaal oo xerada yaalay ayaa gabi ahaan basbeelay.
Labadan Camaliyood Istish-haadiyada ah ayaa qeyb ka ah howlgalka Al-mansuuriyah oo ah howlgal sanad ka hor ay ku dhawaaqday Imaarada Islaamiga Afghanistan waana howlgal loogu magacdaray Amiirul Mu’miniin Mullah Akhtar Mansuur Taqabalahullaah.
Calamada.com