Wararka ka imaanaya gobalka Baay ee dhaca dhanka Konfur Galbeed dalka Somalia waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi ay ka dhaceen weeraro qorsheysan.
Labo weerar oo qorsheysan ayeey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka kala fuliyeen wadooyinka gala degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere oo ka mid ah goobaha Kufaarta Xabashida Itoobiya duulaanka kaga suganyihiin gobalkaasi.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa wadada u galay Labo Mooto oo maandooriyaha Qaadka u siday maleeshiyaatka maamulka Shariif Sakiin ee ku go’doonsan labadaasi degmo.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Shabaabul Mujaahdiin gacanta ku dhigeen Labadii Mooto iyo qaadkii ay sideen kuwaasi oo ugu dambeyntii ciidamada Mujaahidiinta ay dab qabadsiiyeen.
Maleeshiyaatkii Murtadiinta maamulka Shariif Sakiin ayaa si dirqi ah goobta cagahoda kaga baxsaday iyagoona ka cararay Mootooyinkii iyo qaadkii ay sideen.
Go’doon xoogan ayeey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin saareen degmooyinka iyo deegaanada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka Kabo qaadka u ah duulaanka ay kaga suganyihiin Wilaayada Baay iyo Bakool.
Calamada.om