Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa sii laba jibaaray howlgallada ay ku beegsanayaan ciidamada iyo saraakiisha dowladda, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil Jihaad.
Rag hubeysan oo katirsna Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar toos ah waxay ku qaadeen saldhiga Jiingadda oo ku yaala isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho, waxaana dagaal ka dhacay goobta lagu dilay labo Askari oo katirsan ciidamada PS-ta, halka dhaawac garaab ah la gaarsiiyay Sarkaalkii heystay ciidamada joogay Baar-Ubax, ee la magacbaxay Xassilinta.
Isla nawaaxiga Baar-Ubax gaar ahaan hotel Salaama, waxaa lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa PS-ta oo goobta joogay, rag hubeysan ayaa bambaanooyin ku dhuftay, waxaana durba goobta ku dhintay hal Askari.
Degmada Shibis ayaa sidoo kale xalay waxay marti gelisay weerar xoogan, kaas oo lagu dilay sarkaal sare oo katirsan dowladda federaalka.
Sarkaalka la dilay oo gaari watay ayaa rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta waxay la dheceen dhowr xabadood, kadibna goobta ayay ka dhaqaaqeen.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dhamaan weeraradii xalay dhacay iyadu mas’uul ka ahayd ayaa u muuqata mid sii kordhineysa weerarada ay ka fulineyso Muqdisho, xilli laamaha amaanka ee dowladdu sheegeen iney sugeen amaanka.