Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay la wareegeen gacan ku heynta dhammaan xarumaha maamulka.
Maleeshiyaadkan ayaa daacad u ah Guddoomiyihii hore ee degmada Beled Weyne ninka lagu magacaabo Murtad Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo xilkii uu hayay uu ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka ee isku magacaabay HirShabelle.
Murtad Max’med Cali Caadle oo ah wasiirka arrimaha gudaha ayaa wareegto uu shalay soo saaray shaqada uga eryay guddoomiyihii Beled Weyne balse arrinkaas waxaa kasoo horjeestay Ninka xilka laga qaaday.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay arkayaan ciidamo difaacyo ka xirtay xarunta degmada iyo xafiisyo kale oo uu maamulku ku shaqeynayay, khilaafka ka jira Beled Weyne ayaa qeyb ka ah caqabadaha ku hor gudban maamulka Fadhiidka ah ee Hirshabelle.