Maalmihii u dambeeyay waxaa sii xoogeysanayay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay xubnaha dowlada Ridada sida hogaanka kooxda iyo xildhibaanada dowlada.
Khilaafkan ayaa ugu dambeyntii gaaray iney gacamaha isula tagaan xubno ka tirsan dowlada iyo maleeshiyaatka nabad sugida Murtadiinta kuwaasi oo xalay dhex dooda dagaalamay.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor’imaad xalay ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho.
iska hor’imaadka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad si gaar ah utaabacsan Max’med Cabdullaahi Farmaajo ay weerar hubeysan ku qaadeen guri uu deganaa siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur..
Rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen ilaalada guriga iyo maleeshiyaadka Nabad sugidda ayaa laga maqlayay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah.
Ciidamadii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta guriga waxayna gacanta ku dhigeen Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo isagoo dhaawac ah lageeyay isbitaalka Digfeer.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Afar kamid ah ilaalada guriga la weeraray lagu dilay iska hor’imaadka, ciidamada sida gaarka ah u taabacsan Murtad Farmaajo ayaa gacanta ku dhigay dukumiintiyo iyo lacago uu si gaar ah ulahaa Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.
Sidoo kale wararka la helayo waxey sheegayaan in Cabdi Raxman Cabdi Shakuur rasaas ka haleeshay Kallida balse waxey wararku intaasi ku darayaan in dhaawaca uu yahay mid fudud,isagoona gacanta ugu jira maleeshiyaatka nabad sugida Farmaajo.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa kacsan waxaana waddooyinka lagu arkayaa ciidamo wajiyada u xiranyihin oo ah kuwa sida gaarka ah u ilaaliya madaxtooyada.
Murtad Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa bilihii lasoo dhaafay warbaahinta ka weerarayay Farmaajo iyo kheyre isagoona banaanka soo dhigayay ceebaha dowladda Federaalka.