Barakacayaashii ka cararay xaaladda bani’aaddanimo ee ka jirta deegaanka tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa daaha ka rogay xasuuq wadareedyo lagula kacay boqollaal ruux oo xabashi Itoobiyaan ah, intii ay socdeen dagaalladii ugu xumaa ee ka dhacay gobolka Tigray-ga.
Kumannaan ruux oo ku barakacay dagaallada ka holcoya waqooyiga Itoobiya isla markaana gaaray dalka Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada military-ga ee xukuumadda dhexe aysan u aaba yeelin dadka rayidka ah isla markaana ay xasuuqyo daran kula kaceen.
Qaar baa kuwa xasuuqa gaystay ku sheegay in ay ahaayeen ciidanka milltary-ga ee uu hoggaamiyo Abiy halka kuwa qaarna ay ku sheegeen inay ahaayeen ciidamada TPLF.
Qaxootiga qaarkii oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa shaaciyay in ay jiraan xabaal wadareedyo lagu aasay boqollaal ruux oo lagu dilay ka hor inta aysan kasoo tallaabin soohdinta Itoobiya iyo Suudaan.
Dadka ay wakaaladdu la kulantay oo ahaa dadkii sida dirqiga ahaa kaga soo badbaaday xasuuqa ayaa sheegay in magaalada ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday ay ahayd magaalada Mai-kadra ee kulaasha xadka Itoobiya iyo Suudaan.
Tesfaalem Germay oo ka mid ahaa dadkii kasoo barakacay xaaladda adag ee ka jirta gobolka Tigray ayaa Ap u sheegay in uu dhaayihiisu saaray ciidmada Millatariga iyo maleeshiyaadka Axmarada oo madaxyada ka guraya boqollaal ka mida dadkii deegaanka oo xilligaasi ku sugnaa magaalada Mai-kadra.
“Xitaa dowladdu uma maleynayn inaan nool nahay, waxay moodayeen inaan dhamaanteen dhimannay,”waxaa sidaasi wakaaladda wararka AP u sheegay qof kale oo kasoo cararay xaaladda ka taagan Itoobiya.
Wakaaladda oo soo xiganaysa qaxootiga qaxa ku tagay dalka Suudaan ayaa sheegtay inay haleen xabaalwadareedyo badan oo ay si jimaaci ah ugu aasan yihiin boqollaal ruux oo lagu dilay soohdinta labada dal ee Suudaan iyo Itoobiya.
Calamada.com