Ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada wilaayada Baay, ayaa maanta weerar qorsheysan oo xooggan ku qaaday ciidamo Itoobiyaan ah, gaar ahaan kuwa ilaalada ka haya Airport-ka magaalada Baydhaba, waxaana lasoo wariyay markii xabaddu isku dhacday kaddib ay ciidanka xabashida isaga carareen goobta.
Ciidamada mujaahidiintu waxay sidoo kale weerar ku ekeeyeen xerada maleeshiyaadka Riddada ee Makuundo oo ka tirsan magaalada Baydhaba, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka kale, howlgal qorshaysan oo maanta ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Suuq-Boocle degmada Dharkeynley waxay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Macawiileyda Riddada ee Sh/dhexe, kaasi oo lagu magacaabi jiray Daahir Muuse.