Fagaare kuyaal deegaanka Iidaale ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa ka dhacay Xad ka mid ah Xuduuda Allaah oo lagu fuliyay Nin gacan ku dhiigle ah oo qof muslim ah xaq darro ku dilay.
Maxkamadda Wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa xukun Qisaas ah ku fulisay Gacan ku dhiigle lagu magacaabi jiray Aaden Ibraahim Aaden oo haweenay da’ay ah ku dilay deegaan katirsan gobolka Bay.
Qaaddiga Maxkamadda ayaa fagaaraha ka sheegay in Ninka laqisaasay uu haweenayda weeraray isagoo doonayay in uu kufsado balse ay iska difaacday kadibna uu dhaawacay illaa markii dambe uu kufsaday kadibna Afar mar ku dhuftay Faas sidaasna uu ku dilay.
Haweenayda uu gacan ku dhiigluhu kufsaday kadibna uu dilay waxaa lagu magacaabi jiray Muumino Macallim, ehellada lahaa dhiigga haweenayda ayaa ku farxay xukunka qisaasta ah ee lagu fuliyay Gacan ku dhiigllaha dilka geystay.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ka hirgelisay maamullo islaami ah oo tacbiiqiya shareecada islaamka waxayna dadka ku hoos nool maamulladaas ku naaloonayaan Nabad gelyo iyo kala dambeyn.
Naga Filo Kalimadihii Fagaaraha Laga Jeediyay.
Calamada.com