Ra’iisul wasaaraha kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xamze Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiiro ah oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeen 2-aad oo ay yeelatay xukuumadda Riddada, kaasi oo horay buuq iyo is qabqabsi xooggan uga dhex abuuray xubnaha golaha wasiirada ee murtadiinta.
Xamze Cabdi Barre ayaa ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee Ridada oo ah xubin cusub u magacaabay murtad C/salaan Cabdi Cali, kaasi oo horay ugu magacownaa wasiirka waxay ugu yeelaan howlaha guud ee xukuumadda Riddada.
Ra’iisul wasaaraha murtadiinta ayaa sidoo kale magacaabay xubno wasiir xigeenno iyo wasiiru-dowleyaal, balse magacaabista uu sameeyay murtad Xamze Cabdi Barre ee ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ayaa kusoo beegmay xilli khilaaf xooggan oo dhanka siyaasadda uu ka dhex jiray maamullada Muqdisho iyo Baydhaba, taasi oo keentay in kooxda Riddadu joojiso in siyaasiyiinta iyo xildhibaannada aadaan dhanka magaalada Baydhaba.
laba bilood ka hor ayay ahayd markii xubnaha dawaaqiidda ee kasoo jeeda gobollada waqooyi ay ka biya diideen in la abuuro ra’iisul wasaare ku xigeen labaad, taasi oo keentay in kooxda Riddadu muddo laba bilood ay hakiso magacaabista ay maanta sameysay.