Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxey sheegayaan in weerar xooggan lagu qaaday xarunta wasaaradda Gaashaandhiga oo xilligaas ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan melleteriga Dowlada Ridada federaalka.
Wariyaha Calamada ee Muqdisho Muuse Malaay ayaa khadka Taleefanka noogu sheegay in xaafadaha magaalada laga maqlay jugta madaafiic xooggan oo lagu garaacay dhismaha wasaaradda kadibna waxaa xigay rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.
Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay gantaallada garbaha laga gemo ee Baasuukaha la heleen albaabka hore ee dhismaha wasaaradda kadibna waxaa xigay iska hor’imaadyo fool ka fool ah.
Dhinaca kale rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaad katirsan dowlada Farmaajo xilli ay ku sugnaayeen isgoyska Afar irdoodka degmada Xamweyne waxaana jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dhowr Bambaano oo lagu weeraray isku imaatin ay ciidamadu ku laahaayeen degmadaasi.
Laaya murtadiinta