Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Sar sare ee Booliska dowladda Ridada ayaa lagu dilay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Qarax culus ayaa lala beegsaday gaari uu la socday Xasan Dheere oo ahaa Sarkaal ka tirsan Booliska dowladda Federaalka waxaa sidoo kale gabi ahaan burburay gaarigii uu la socday sarkaalka qaraxa lagu dilay.
Dilkan sarkaalkan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin xaafadda Kaabo Godeey ee degmada Dharkenley ay ku dileen sarkaal ka tirsan Milatariga kaasi oo lagu magacaabi jiray Abshir Muxiyadiin Aw-cali.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.