Madaxa kooxda Riddada Somalia, murtad Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga kula kulmay madaxweynaha dowladda Riddada ah ee Turkiga, Rajjab Tayip Erdogan, kulankan ayaana kusoo beegmay ka dib heshiiskii xaaraanta ahaa ee kooxda Gurguurte ay ku wareejisay badda Soomaaliya.
Inkastoo aysan kooxda Riddadu faahfaahin ka bixin waxay ka wada hadleen labadan hoggaamiye, waxay dhanka kale ilo wareedyo sheegeen in Gurguurte iyo Erdogan ay kulankooda uga wada hadleen iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan waxay isku soo hadal qaadeen sidii loo sii amba qaadi lahaa heshiiskii maamulka Badda Soomaaliya loogu wareejiyay Turkiga.
Kulankan gaarka ah ee Antalya ku dhexmaray Gurguurte iyo Erdogan, ayaa kusoo beegmaya xilli 8-da bishii lasoo dhaafay ee Feberuary kulan dhexmaray waziirada gaashaandhigga ee xukuumadaha Riddada ee Somalia iyo Turkiga, ay kooxda Riddada Somalia maamulka badda ugu wareejisay dowladda Riddada ah ee Turkiga, waxayna heshiiskaas huwisay magaca difaac iyo mid dhaqaale.