Ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Gedo, ayaa weerar culus oo dagaal toos ah waxay ku mireen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ka deganyihiin degmada Baardheere.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamada mujaahidiintu ku beegsadeen xerada Baraxow ee magaaladaasi Baardheere, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalka ayaa si wayn looga maqlayay qaybo ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah weerarada habeen dheelmadka ah ee ciidamada mujaahidiintu ay ku mirayaan saldhigyada ciidan ee saliibiyiinta iyo kuwa Ridada kaga suganyihiin wilaayaadka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.