Wararka ka imaanaya degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in gudaha degmadaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Dowlada Ridada Jabuuti iyo kuwa dowlada Ridada Farmaajo.
Xiisadan ayaa timid kadib markii askari ka tirsan dowlada federaalka gudaha degmadaasi gaar ahaan bartamaha suuqa Ceel-gaabta ku toogtay askari Jabuutiyaan ah.
Ciidamada Jabuuti oo si aad ah kaga carooday askariga laga dilay ayaa gudaha degmadaasi ka bilaabay howlgalo ka dhan ah ciidamada dowlada Ridada Federaalka taasi oo si aad ah kaga careysiisay maamulka iyo saraakiisha dowlada Farmaajo ugu magacaaban degmadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Buulo burte waxey xaqiijiyanayaan in ciidamada Jabuuti ay xabsiga dhigeen askariga dilka geystay iyagoo aanan kusoo wargalinin saraakiisha iyo maamulka dowlada federaalka ee degmada taasi oo sii xoojisay xiisadda ka taagan degmadaasi.
Calamada.com
awal kheyr kumaheshiininaa haisdilaane
Hiil gaalo hab dhaqan kooda xuni u anqal taagaayo
Faransiiski heeryada kuraray ayey hidihi raaceene
Haawaydi gaaladu dhashee haawiyaw dhoofay
Huurada faraacino dhashee gaal hidihi raacay
Hiiraan njaasadi bartee wiil walaalaysay
Hiil walaal nijaas tii tiraa hoogay oo lumaye
Hareera dhimbilo uga shidoo hawsar qabad siiya