Wararka ka imaanaya dalka Kenya waxey sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka jirta inta badan gobalada dalka Kenya taasi oo u dhaxeysa maamulka Uhuru Kenyatta iyo Mucaaradka Railla Odinga.
Dibad baxyo waaweyn oo lagu taageerayo gaalka Mucaaradka ah Railla Odinga iyo caleymo saarkiisa loogana soo horjeeda gaalka Uhuru Kenyatta ayaa ka socda qeybo badan oo ka mid ah magaalada Nairobi iyo Gobalka Xeebta dhaca.
Railla Odinga ayaa sheegay in maanta loo caleymo saarayo madaxweynaha rasmiga ah ee dowlada Saliibiyadda Kenya isagoona kal hore diiday doorashadii uu kusoo baxay Uhuru Kenyatta.
Mucaaradka ayaa sheegay in xafladda Caleymo saarka madaxweyne Raila Odinga iyo ku xigenkiisa Kalonzo Musyoka ay maanta oo Talaado ah ka dhaceyso beerta xoriyadda ee Uhuru Park ee magaalada Nairobi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan maamulka Uhuru Kenyatta oo kasoo horjeeda caleymo saarka Raila Odinga ay si buuxda ula wareegeen goobta la qorsheynayo iney ka dhacdo xafladda caleymo saarka Odinga waxeyna taasi muujineysaa in xaalada Kenya ay sii xumaatay ayna suura gal tahay in gudaha dalkaasi ka qarxo dagaal u dhaxeeya taageerayaasha Labadan ee gaal Railla Odinga iyo Uhuru Kenyatta.
Xeer ilaaliyaha dowlada Saliibiyadda Kenya oo taageersan Uhuru Kenyatta ayaa khiyaano qaran ku tilmaamay caleymo saarka Odinga isagoona sheegay in hadii ay dhacdo xafaladda Celeymo saarka ah taasi oo ay horseedi doonto dil Toogasho ah.
Dhanka kale dowlada Saliibiyadda Kenya ayaa Hawada ka saartay Labo Telefashin oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer warbaahinta Kenya kuwaasi oo kala ah N-TV iyo Citizen-TV kadib markii labadaasi warbaahineed ay sheegeen iney kasoo horjeedaan amar kasoo baxay maamulka Uhuru Kenyatta kaasi oo ah ineysan warbaahinta tabin karin xafladda Caleymo saarka Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Kalonzo Musyoka.
Calamada.com