Xiisado colaadeed oo u dhaxeeya maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Riddada ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka taagan dagmooyinka Doollow iyo Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.
Degmada Doollow ee gobolka Gedo maamulka Ridada ugu magacaabaan gobolkaas ayaa ciidamo xooggan soo dhoobay garoonka diyaaradaha ee dagmadaas, si ay uga hor tagaan saraakiil iyo xubno ka socday xafiiska RW murtadiinta.Waxayna xiisaddu timid kadib markii ay isku dayeen saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wazaaraha kooxda Riddada in ay kasoo dagaan garoonka, waxaana garoonka lagu soo daadiyay boqolaal ciidamo ah .
Xiisaddan ayaa timid xilli shalay uun uu guddoomiyaha maamulka murtadiinta ugu magacaaban gobolka Gedo sheegay in aysan gobolka ka soo dagi karin xubno ka socda kooxda Riddada Soomaaliya iyo maamulka Riddada ee Jubbaland.
Dhinaca dagmada Ceel-waaq waxaa iyana ka taagan xiisado dagaal oo u dhaxaysa maleeshiyaadka ka wada tirsan Kooxda Riddada Soomaaliya.
Maleeshiyaadka dagaallamay ayaa lasoo wariyay inay isku hayaan nidaamka waxay ugu yeeraan awood qaybsiga degmada iyo lacago mushaaraadka ah ee ay qaataan.
Mudooyinkii danbe waxaa gobolka Gedo kusoo noq-noqday xiisadaha u dhaxeeya maleeshiyaadka murtadiinta, dhawaan ayeey ahayd markii dagmada Doolloow ay ka taagnayd xiiso u dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan guddoomiyaha Riddada Gedo iyo taliyihii sirdoonka kooxda Riddada ugu magaacwnaa gobolkaasi ee ay mujahidiintu khaarijiyeen jumcihii lasoo dhaafay