Xiisado colaadeed oo u dhaxeeyo maleeshiyaad kala taabacsan maamullada ashahaada la dirirka ah ee Puntland iyo Somalilad ayaa markale laga dareemayaa duleedka degmada Buhodle ee gobolka Sool oo ah gobol ay isku hayaan dhinacyada, halkaas oo laga filan karo isku dhacyo mar kale dhexmara labada maleeshiyo.
Ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan gobolka Sool ayaa soo sheegay inay arkayeen maleeshiyaadka labada dhinac oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanno hoos taga magaalada Buuhoodle, waxayna dadka deegaanku aad uga baqdin qabaan in markale deegaannadooda lagu dul dagaallammo.
Ilo wareed kale oo ku sugan deegaanka ayaa sheegay in isu hub uruursi iyo diyaar garow xooggan ay dhinacyadu tan iyo saakay ka wadeen inta u dhaxayso Widh-Widh iyo degmada Buuhoodle ee gobolka Sool, xilli iska hor’imaad uu gobolkan dhowaan ku dhexmaray maleeshiyaad kala taabacan maamullada ashahaada la dirirka ah ee Puntland iyo Somaliland.
Xiisadan colaadeed ee maanta ka taagan duleedka degmada Buuhoodle ee gobolka Sool ayaa kusoo beegmayso, xilli labo toddobaad ka hor deegaan lagu magacaaabo Qararo oo ka tirsan isla gobolka Sool ay iska hor’imaadyo culus ku dhex mareen labada maleeshiyo ee kala taabacsan maamullada Riddada ah ee Puntland iyo Somaliland.